Welcome Guest!
twitter facebook rss

,

Badmaaxiyiin u dhashay dalka Hindiya oo muddo afar sano ay heysteen Burcad badeed oo la sii daayay

Badmaaxiyiin  Laheystay Ee U Dhashay Wadanka Hindiya
La heystayaal u dhashay dalka Hindiya oo muddo afar sano afduub ahaan loogu heystay deegaano ka tirsan Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa xoriyadooda dib u helay, iyadoo diyaarad ka soo dejisay magaalada Muqdisho.

La heystayaashan oo ah todobo ruux oo badmaaxiin ahaa ayaa waxay diyaarad ka soo qaaday magaalada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud, waxaana sii deyntooda ka qeyb qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Maamulada Gobolada Dhexe.

Kooxihii burcad badeeda ee gacanta ku hayay badmaaxiintan ayaa horay madax furasho ku sii daayay markabkoodii, iyadoo aan la ogeyn in iyana sidoo kale madax furasho lagu sii daayay iyo in kale.

Badmaaxiintan ayaa lagu wadaa in dalkooda loo dhoofiyo, si ay dib ula midoobaan qoysaskooda, waxaana sii deyntooda ku soo beegmeysaa xilli Qaramada Midoobey ay sheegtay inay dadaal u geli doonto sii deynta badmaaxiin lagu heysto Soomaaliya.

Falalkii Afduubka maraakiibta ee Kooxaha Burcad badeedka ayaa hoos u dhac weyn ku yimid tan iyo markii ciidamada caalamiga ee la dagaalanka burcad badeedka ay kordhiyeen howl galada ay ka wadaan biyaha Soomaaliya iyo gacanka cadmeed


0 comments

Readers Comments

Latest Posts

Sponsored By

Featured Video

Our Sponsors

Our Sponsors

Visit Nepal Info and Guide