Welcome Guest!
twitter facebook rss

,

Deegaanka Warsheekh iyo tuulooyinka hoostaga oo xaalado nolol xumo ay ka jirto

Wax Garadka Ku dhaqanka degmada Warsheekh ayaa ka codsaday dowladda dhexe ee Soomaaliya in il gaar ah lagu eego dadka ku dhibaateysan tuulooyinka dhanka waqooyi ka xiga degmada Warsheekh, halkaasi oo ay ka jirto xaalado beni’aadanimo.

Maxamuud Cabdulle oo ka mid ah odoyaasha dhaqanka ayaa Radio Muqdisho u sheegay in xaalad nolol xumo ay ka jirto tuulooyinka hoostaga degmada Warsheekh, waxaana uu intaa ku daray in raashin dhawaan degmada la gaarsiiyay aysan soo gaarin dadka tuulooyinka waqooyi degan, ayna dalbanayaan in gar gaarka si cadaalad ah lagu bixiyo.

“Tan iyo 2010-kii degmada Warsheekh iyo tuulooyinka hoostaga wax deeq ah lama soo gaarsiinin, laakiin markii dhawaan laga ceyriyay Shabaab, waxaa degmada la soo gaarsiiyay raashin, kaasii oo aan dabooli Karin baahida dadka kunool degmada, waxaan codsaneynaa in kaalmo nala soo gaarsiiyo, xukuumadduna ay wax ka ogaato halka raashinka lagu qeybinayo iyo sida loo gaarsiinayo dadka u baahan” ayuu yiri Maxamuud.

Oday dhaqameedkan ayaa intaa raaciyay in degmada Warsheekh iyo deegaannada hoos yimaada aysan ka jirin adeegyadii ay bulshada u baahnaayeen sida caafimaadka, waxbarshada iyo kuwa kale oo aas aas u ah nolosha beni’aadamka, ayna codsanayaan in dib loo soo celiyo adeegyada bulshada

0 comments

Readers Comments

Latest Posts

Sponsored By

Featured Video

Our Sponsors

Our Sponsors

Visit Nepal Info and Guide