Welcome Guest!
twitter facebook rss

,

Kunteenaro Qamri Ah oo Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Qamri La Burburinaayo
Laba kunteenar oo qamri ah oo lagu qabtay Dekeda Magaalada Muqdisho, ayaa duhurnimadii maanta waxaa lagu aasay godad laga qoday Fagaaraha School Polizio ee Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Qamrigaan oo noocyo kala duwan ka kooban, ayaa waxaa gacanta lagu dhigay muddo laba sano laga jooggo, ka dib markii ay dalka soo geliyeen ganacsato Somaliyeed, oo aysan suurta gelin in gacanta lagu soo dhigo.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, ayaa wuxuu sheegay inay qamrigaan u soo qabteen dad is hortaag ku sameeyay inaan lagu aasin godadka laga faagay Fagaaraha School Polizio, isla-markaana ay Maxkamad horkeeni doonaan.

Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Dr. Xaashi Cilmi Nuur, oo ka hadlay Fagaaraha School Polizio, ayaa wuxuu sheegay inay amar ku bixiyeen in la burburiyo maandooriyaha dhibaatada u keeni kara shacabka Somaliyeed.

Taliyaha Hogaanka Ilaalinta Canshuuraha Korneyl Maxamuud Sheegow, ayaa Warbaahinta u sheegay in qamrigaan ay gacanta ku dhigeen laba sano ka hor, ayna qabashadaasi ka dambeysay si dhibaatada qamriga looga badbaadiyo shacabka.

Dadka qaar, ayaa su’aalo iska weydiinaaya waxa mudada intaa le’eg qamriga loogu haayay Dekeda Magaalada Muqdisho, oo aan loo gubin.

Tallaabada qamriga looga soo saaray Dekeda Magaalada Muqdisho, ayaa waxay ku soo addeysaa, xilli Maamulka Dekeda bishii hore lagu wareejiyay shirkad laga lee yahay dalka Turkiga.








Dhacdo, Dhacdooyin Xaqiiqo Ah

0 comments

Readers Comments

Latest Posts

Sponsored By

Featured Video

Our Sponsors

Our Sponsors

Visit Nepal Info and Guide