Welcome Guest!
twitter facebook rss

,

Puntland oo xukun dil ah ku fulisay nin horey u dilay Sarkaal ka tirsanaa Puntland (Sawiro)

Marxuum, Maxamed Warsame Saxar
Maamul Goboleedka Puntland, ayaa maanta xukun qisaas ah waxa uu ku fuliyay nin horey u dilay Taliyihii Saldhiga Booliska ee Degmada Rako ee Gobolka Karkaar.

Ninkaan oo lagu magacaabo Maxamed Warsame Saxar oo 58 sano jir ahaa, ayaa qirtay in uu dilay Dhame C/laahi Faarax Gaacshe. Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland, ayaa 27-kii August xukun dil ah ku riday gacan ku dhiiglaha.

Xukunka qisaasta, ayaa saakay ka dhacay xabaalaha Magaalada Boosaaso, oo ku yaala Bariga Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Goobta lagu qisaasay ninkaan, ayaa waxaa ku sugnaa ehelada Sarkaalka la dilay iyo eheladiisiiba, sidoo kale waxaa ku sugnaa xubno ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Puntland iyo Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland C/fataax Xaaji Aadan.
C/fataax Xaaji Aadan.
Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland


Gudoomiyaha oo ka hadlay goobta toogashadu ka dhacay, ayaa wuxuu ka digay in dadka reer Puntland ay dhexdooda is dilaan, iyadoo uu ku goodiyay in ruuxii ruux kale dilaa, isna la qisaasi doono.

Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Bari C/xakiin Yuusuf Xuseen, ayaa sheegay in adduun iyo aakhiraba uu xalka ku jiro in qofkii qof dilaa, isana la dilo.


Dhacdo, Dhacdooyin Xaqiiqo Ah.

0 comments

Readers Comments

Latest Posts

Sponsored By

Featured Video

Our Sponsors

Our Sponsors

Visit Nepal Info and Guide