Welcome Guest!
twitter facebook rss

,

Maqaal Diini Duruus Muhiima-Suuratul Kahf Sheekh Maxamed idiris

Suurada Kahfi
DURUUS MUHIMA - SUURATUL KAHF

1) Mahad Weyni iney Khalqiga iyo Mu'miniinta Gaar ahaan ku waajibtey, Dejinta Ilaahay Kitaabka Qur'aanka Nebigiisa Calayhi Salatu Wasalam Kusoo Dejiyey..Waa Nicmo, Raxmad, Hanuun iyo Caafimaad Ilaahay Inaan har iyo Habeen ugu Mahadino ay tahay..

2) Iimaanku Waa Waxa ugu Qiima badan ee Ilaahay Qof siiyo, Wuxuuna Keenaa, Niyad Deggan, Kalsooni, Geesinimo, Rajaqab, Ayidaad Eebe, iyo Iftiin xaqqa iyo Baadilka kuu kala qaada..

3) Faqriga..iyo Xooluhu..Waa laba Imtixaan..waxaana sii daran kan Xoolaha..waayo Faqriga dad badan ayaa ku sabra, Laakiin Xoolaha in yar ayaa ku sabirta Daacada Allaah...Imtixaanka Xoolaha, Badanaa waxaa ku dhex jira, Kibir, qooq, qaflad, iyo aakhira Ilaw..Hadaan Ilaahay qofka u gargaarin..Marka wuxuu Ilaahay ku siiyo ku qanac oo Rabbi Addeec..

4) cilmiga oo dhan waa in Ilaahay loo celiyo..Si kastoo aad u cilmi badan tahay, waxaagu waa in aad u yar..Inaad Xaqiiqdaa qalbiga ku haysaa, wexey had iyo goor ku xusuusisaa inaad Ilaahay Cilmiga u celiso..

5) Cilmiga helitaankiisu wuxuu u baahanyahay Sabir iyo Dulqaad, Edeb Macalinka lagula socdo, dadaal iyo safar iyo soojeed, kadibna ku camalfal iyo tawaaduc..

0 comments

Readers Comments

Latest Posts

Sponsored By

Featured Video

Our Sponsors

Our Sponsors

Visit Nepal Info and Guide