Welcome Guest!
twitter facebook rss

,

Maqaal Su'aal Qisooyinka Xagee Ka Keentaa? Sheekh Maxamed idirisoow

Sheekh Maxamed idiris
Qisooyinka Xagee Ka Keentaa?

Asxaabta qaar ayaa i weydiiyey: Sheekhow waxaan oo qisooyin oo cajaa'ib leh xagee ka keentaa? waxaan ku iri: Waxaan ka keenaa Nolosha iyo Ayaamaha Adduunka aynu ku noolnahay.. Qoraagu marna maskaxdiisa iyo khiyaalkiisa waasicaa ee ilaahay u hibeeyey ayuu ka sawir qaataa oo qoraal u bedelaa, marna sheekooyinka dhabtaa ee dhacaya ayuu asalkooda qaataa, ka dibna khayaalka kusii bal ballaariyaa.. Inta aan Adduunka socdo, ama dadka dhex marayo, waxaan wataa kaamero indhahayga ah oo sawireysa wax kasta oo aan arko, waxaanan dhegeystaa dadka sheekooyinka ay si fudud isaga werinayaan, ama ugu sheekaysanayaan, laakiin aaney ogayn qiimeheeda xagga qoraalka iyo cibrada iney noqon karto qiso la qoro oo la weriyo, qaarkoodna buug laga samayn karo.. waxaan arkayo iyo waxaan maqlayo ayaan ka dhex doortaa kuwa ugu habboon ee aan is leeyahay wexey u qalmaan in la daaboco.. waana kuwa aan qalinka u qaado ee aad in badan aragtaan..
Waxaa dhacda qof inuu sheeka dhaba ii sheego, si caadiya, isagoo isaga werinaaya, laakiin aan dareemayn qisada cibrada iyo xikmadda ku jirta, isagu dhanka dhibka dhacay keliya ayuu ka werinayaa, kadibna aan maskaxda ku duubo, markaan ka tago aan qoraal u bedelo.. wuxuu la yaabaa tafaasiisha sida aan usoo xuso.. waxaan ku iraahdaa taasi waa sirta xirfadda qoraaga..
Waxaa kaloo ayaamahan aad u badan Asxaabta qisooyinku ay ku kiciyaan iney iyana qisooyinkooda soo maray iisoo qoraan, anna aan dib u habeeyo oo daaboco.. waana soo dhoweynayaa.. qaarna asxaabta wexey i weydiistaan inaaney rabin in dadka lala wadaago, kuwaasna si gaara ayaan talada u siiyaa, mana daaboco qisooyinkooda..

0 comments

Readers Comments

Latest Posts

Sponsored By

Featured Video

Our Sponsors

Our Sponsors

Visit Nepal Info and Guide