Welcome Guest!
twitter facebook rss

,

Naadiyaasha Qaranka ee Kubadda Cagta

Naadiyaasha Qaranka ee Kubadda Cagta

Naadiyaasha Qaranka Soomaaliyeed ee Kubbada Cagta waxay ka koobanyihiin 10 naadi oo dhamaantood caasimada Xamar ama Muqdisho ay hoy u aheyd.

Taariikh
Naadiyaasha Qaranka Soomaaliyeed ee Kubbada Cagta waxaa ay kooxdii ugu horeysay ciyaartey iyada oo magac iyo maaliyad naadi sitada sanadkii 1957.

Naadiyaasha oo saldhigoodu ahaa Muqdisho waxaa ay inta badan mataleyeen hogaan ama urur jira sida ciidanka xooga, ciidanka amaanka ama booliska; tusaale Naadiga Horseed wuxuu ku ciyaari jirey magaca ciidanka qalabka sida ama militeriga Soomaaliya. Naadiyaasha qaar kale waxay matali jireen warshado, wasaarado, iskaashatooyin iyo hay'adaha Dawladda.



Naadiyaashii 1957-1988
Naadiyaasha kubadda cagta Soomaaliyeed oo mar iyo labo jeer tiro ahaan gaarey ilaa 12 naadi ayaa inta badan waxaa si rasmi ah u jirey 10 naadi oo iyaga soo maray marxalado badan soona if bixiyey ciyaartooy aad iyo aad caan uga noqday wadanka Soomaaliya iyo meelo badan oo ka mid ah aduunka.



Naadiga Horseed (Ciidanka Xooga)
Naadiga Badda (Dekedaha)
Naadiga Waxool (Xanaanada Xoolaha)
Naadiga Wagad (Fiat
Naadiga Muqdisho (Dawladda Hoose ama Minishiibiyo)
Naadiga Batroolka (Wakaalada Shidaalka)
Naadiga Madbacada (Madbacada Qaranka)
Naadiga Jeenyo (LLPP)
Naadiga Sancadda (Isnay Biyaas)
Naadiga Gaadiidka (Otobaarka ama wazaarada cirka iuo dhulka )

Koobka Qaranka
Ciyaarta is reereebka Koobka Qaranka waxaa lagu soo bandhigi jirey cayaaro wacdaro badan. Kooxda Horseed ayaa ugu koob badneyd xiliyadii uu dhacay koobka naadiyaasha oo mar walba lagu qaban jirey Muqdisho. Reer Muqdisho si aad iyo aad ah ayey u camiri jireen garoonka Staadiyo Kooni iyo Staadiyo Muqdisho oo markii dambe la dhisay.

0 comments

Readers Comments

Latest Posts

Sponsored By

Featured Video

Our Sponsors

Our Sponsors

Visit Nepal Info and Guide