All Ciyaaro,
Koobka Janaraal Daa'uud
Posted by Abdulnasir Al MaqZuumi
Published on Friday, October 24, 2014
Koobka Janaraal Daa'uud |
Naadiyaasha waxay u tartarmi jireen Koobaka Janaraal Daa'uud oo xiisaha iyo rabitaanka hanashaddiisa uu garab yaalay midka horyaalka Qaranka.
Janaraal Daa'uud oo ahaa halyey Soomaaiyeed ayaa dowladii Kacaanka ugu magacdartey dugsi badan iyo xusidii ugu weyneyd oo aheyd koobka kubada Cagta iyo kubadda kolleyga.
Guuleystaha Koobaka Naadiyaasha oo Matala Qaranka
Kooxda ama naadiga ku guuleysta koobka horyaalka Naadiyaasha ayaa u safan jirey ciyaaraha Qaranka Soomaaliya.
Inta badan sida caadada aheyd Horseed iyo ciyaartoyda u safnaa oo aan magacooda halkaan lagu soo koobi karin ayaa u safri jirey garoonada caalamiaga ee Africa iyo Carabaha.
Horseed waxaa labeeyay Naadiga Jeenyo oo loo yaqaanay Jeenyo Gaalo Jebis. Horseed waxay qaaday koobka horyaalka in ka badan 5 jeer waxaana uu koobka qabsoomay tiro ahaan 35 sano iyada oo ay jireen sanado badan oo uusan suurtogelin qabsoomidiisa sida xiligii dagaalkii 1977-1978 iyo xiliyadii dagaalka sokeeye 1991-2002.
0 comments
Readers Comments