Welcome Guest!
twitter facebook rss

,

Nin dhalinyaro ahaa oo isku dilay Magaalada Muqdisho

Dal Dalaad
Wararka laga helaayo Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaaya in uu isku dilay nin dhalinyaro ahaa, ka gadaal markii la sheegay in dhaqaalo xumo ay la soo deristay, taasina ay sababtay in uu is daldalo.

Ninkaan oo lagu magacaabi jiray Cabdi Khadar Xasan (Bun-jabshe), ayaa muddooyinkii ugu dambeysay ka mid ahaa gaadiidleyda ka hawlgasha Gobolada Somaliya qaarkood, waxayna xaruntiisu ahayd Magaalada Muqdisho. Dhacdadaan ayaa ka dhacday xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa.

Xasan Axmed oo ay ehel yihiin marxuumka, ayaa wuxuu sheegay in xalay markii uu seexanaayay uu ka cabanaayay dhaqaalo xumo la soo deristay, iyadoona uu ku andaconaayay inaanay jirin cid daryeeleysa.

“Xalay markuu seexanaayay wuxuu lahaa, wax i daryeelaayo lama haayo, jaadkii iyo waxaas waa ii gambiyeen, wax kale oo la dhihi karo waa isku daldalay majiraan.” ayuu yiri Xasan Axmed, isagoo la hadlaayay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho.

Wuxuu kaloo sheegay in uu dhawaan kaga soo biiray dhinaca Magaalada Kismaayo, isla-markaana uu kala shaqaysan jiray Magaalada Muqdisho, uuna ka hawlgeli jiray Gobolada Somaliya qaarkood, sida uu sheegay.

“Mar dhow ayuu nagu soo biiray, Kismaayo xageeda ayuu ka yimid, inta ayuu na gala xamaalan jiray. Wuxuu la shaqaysan jiray nimankaan caasileyda ah, Galkacyo iyo Kismaayo meelahaas ayuu tag taggi jiray.” ayuu markale yiri.

Xasan Axmed, ayaa qeexay inaysan jirin cid maanta lagu eedeynaayo dilkiisa, ka dib markii uu sheegay qolkii uu xalay seexday, in 11-kii duhurnimo ee maanta laga soo saaray isagoo xarig ka laa-laada.

“Isagaa gacantiisa isku dilay cid hadda lagu eedeynaayo majirto. Qolkii uu xalay seexday ayaa maanta laga soo saaray isagoo sariirta ku istaagay, iskana soo laalaadiyay xariga dharka lagu waro.”

Dhacdadaan, ayuu ku sheegay arrin tacajab oo lala yaabo, wuxuuna yiri  “Arrin tacajab oo lala yaabo ayay noqotay.”

Si kastaba ha-ahaatee dhacdooyinka argagaxa leh, ayaa waxaad maalmihii ugu dambeysay mooddaa inay ku soo badanayeen Magaalada Muqdisho.

0 comments

Readers Comments

Latest Posts

Sponsored By

Featured Video

Our Sponsors

Our Sponsors

Visit Nepal Info and Guide