Welcome Guest!
twitter facebook rss

,

Wiil Abtigiis ku gubay Aashito Magaalada Muqdisho

Acid, Aashito
Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Xaafada Shanta geed waxaa saaka aroortii ka dhacay in wiil dhalinyaro ah uu Abtigiis uu ku gubay xaafadii ay wada daganaayeen, xilli abtiga uu hurday qolkiisa.

Arintaan ayaa ka dambeysay, kadib markii muran uu dhexmaray Wiilka iyo Abtigiis xalay, waxaana taasi ay dhalisay in saaka aroortii uu wiilka Aashito ku shubo Abtigiis.

Wiilka falka geystay ayaa waxaa lagu magacaabaa Mahad Cali Barre  wuxuuna falkaan u geystay Abtigiis oo lagu magacaabo Cali Dhaqane, waxaana wararka ay sheegayaan in Abtiga Aashitada lagu shubay, isaga oo tacbaan ah oo liita saaka aroortii dhaqtarka loola cararay.

Maka Siyaad Bullaale oo ah hooyada dhashay wiilka la gubay ayaa sheegtay in wiilka falka geystay uu baxsaday saaka aroortii, ayna ku wargeliyeen ciidamada ammaanka Degmada howlwadaag si gacanta loogu soo dhigo.

Waxa ay sheegtay in wiilkeeda si aad ah uu jirka kaga gubtay oo Aashitada ay gubtay, jirkiisana maqaarka uu dhac-dhacaayo.

Wiilka falka geystay iyo Abtigiis ayaa in dhawaanaba waxaa ka dhex-taagnaa muran aan si rasmi ah loo ogeyn waxa uu salka ku haayo, waxaana ugu dambeyn taasi ay keentay in Wiilka abtigiis uu ku shubo aashito aad u fara badan.

Cali Dhaqane oo ah Abtiga falka loo geystay, ayaa waxaa inta badan dhibaatada ay kasoo gaartay indhaha, hal il waxba kama uusan arkeyn markii dhaqtarka loo qaadaayay, waxaana waalidka ay inoo sheegeen in jirkiisa ay aashitada si aan caadi aheyn u gubtay.

Dhacdooyinka la yaabka leh ayaa kusoo badanaya Magaalada Muqdisho, waxaana dadka reer Muqdisho ay la yaaban yihiin falalka naxdinta leh ee Magaalada ka dhacaayo.

Dhawaan ayeey aheyd, markii wiil dhalinyaro ah uu iska gooyay xubinta taranka, sidoo kale gabar ayaa jaceyl dartiis isku gubtay, haweenay ayaa meydkeeda laga helay ceel biyood dhexdiisa iyo dhacdooyin kale oo la yaab leh ayaa ka dhacay Muqdisho Bishaan gudaheeda.

0 comments

Readers Comments

Latest Posts

Sponsored By

Featured Video

Our Sponsors

Our Sponsors

Visit Nepal Info and Guide