Welcome Guest!
twitter facebook rss

,

Wasiir Muslim ah oo ku dhawaaqay in Xajka yahay Waqti iyo Shaqaalo dhumis.

Dowlada Bangladesh ayaa shaqada ka erisay wasiirkii isgaarsiinta Abdul Latif Siddique kadib markii uu dhaleeceeyay Xajka isagoo ku tilmaamay inu yahay waqti dhumis iyo mid keeno shaqooyinka dadka ay qabsan lahaayeen oo ay ka habsaamaan.
Mucaaradka dalkaas aya dowlada ay hogaamiso haweenayda la dhoho Sheikh Hasina siiyay 24 saac inay shaqada uga ceyriso Abdul Latif oo ay ku tilmaameen murtad. Abdul Latif aya yiri shalay mar uu saxaafada kula hadlay magalaada New York oo uu u raacay Sheikh Hasina shirka Golaha Qaramada Midoobay
“Aad ayan uga soo horjeda xajka iyo kooxda tabliiqa ahba. Labo milyan oo ruux aya Sucuudiga aaday si ay xajka usoo gutaan. Xajka wuxu keena hoos u dhac dhanka shaqaalaha ah. Kuwa u boxo inay xajka soo gutaan wax soo saar malaha. Dhaqaalaha ayay hoos u dhimaan, waxayna lacag badan geeyaan banaanka dalka”.
Xizbiga Qowmiga ee Bangladesh aya codsaday in Abdul Latif la horkeeno cadaalada, maadaama uu aflagaado u geystay diinta. Kooxaha Islaamiyiinta dalkaas aya ku tilmaamay inu yahay murtad. Saxaafada dalkaasi aya sheegtay inu caan ku aha aflagaadada iyo af xumida diinta iyo dhaqanka shacabka uu hogaanka u hayay.
Wuxu sidoo kale cambaareeyay kooxda tabliiqa oo sanad walbo shirka ugu weyn ku qabato dalkaas, kuna tilmaamay dad camal la’aan ah oo aanan wax shaqa ah qaban, aanan ka aheyn inay xiraan jidadka iyo abuuro izdixaam ama jam.

0 comments

Readers Comments

Latest Posts

Sponsored By

Featured Video

Our Sponsors

Our Sponsors

Visit Nepal Info and Guide