Welcome Guest!
twitter facebook rss

,

Qiso Kaniisad Ayey Igu Qabsatay Sheekh Maxamed idiris

Kaniisad
Asc sheikh Mohamed idiris allahii I uumay Ayaan ku dhaartay markan arkay dacwadada iyo latalintaada Ilahey dartiiis Ayaan kuu jeclaaday Waxan ahay arday wax kabarta qurbaha qaasatan dalka ......Magaceyga waa ........Waxa aan jecleestay inaad ila wadaagto ama iga talo bixiso arintaan shiiqoow Waxan dhikta college christen ah haba ahaado Waxa jira ee ugu Daran waa arintan.

Waxan aadaa field work taas oo college noogu wado meel island ah dhulka baadiyaha ah dadka dagan oo poor Ka ah waxa loo sameeya baaritano iyo wax yaabo ay ka mid tahay inan practical ku sameeno Sida inan baarno xanuunadooda any how shiiqoow Waxa laga yaaba in week ama kabadan aan jooogno meel la seexdo malahan ardayda ila socoto Waxa ay seexdan church meel kaniisad ah oo meesha ku taal shiiqoow meesha waa cidlo banaanka mala seexan karo tan kale Waxa ay tahay Waxa aan Sita sali yar oo Salada aan ku tukado saladaha habeenki maku tukan karo dhulka banaanka ah waayo waa meel masas badan waliba halis ah hadeey wax ku yeelan shiiqoow Waxan saligeeyga dhikta irida kaniisada habeenkina gudaha Ayaan gala oon seexda waqtiga salaada ma seego xita hadii aan shaqo kujiro ayakana iguma push gareeyan inan tukan ee mida aan kaa rabo Ayaa ah salaadaas iyo meeshas aan seexdo Inaad ii iftiimiso wax yaabaha aan ku qaldanahay wan ogahay wixii xun iyo wixii fiican lkn adiga Waxa u ok tahay si diini ah ama fiqihi ah aad Ayaan kaaga Mahad celina Jazakalahu khair,
-------------------------------------------------------------------------

Wcs Wr Wb, Adeer Ilaahay khayr ha ku siiyo, oo ha ku barakeeyo, oo cilmiga aad baraneyso oo ummadda u baahantahay mid adduun iyo aakhiraba wax ku tara, ummadana wax tara allaha ka dhigo, waxaan aad ugu farxaa markaan arko ama maqlo arday dhalinyar gabdho iyo wiilal leh, oo qurba jooga, oo duruuf adag xagga diinta iyo dhaqanka ku haysato oo haddana diintooda si fiican ugu dheggan oo marna aan ka tegin, Ilaahay ha xifdiyo, waxaan ka naxaa dhalinyar masaajidii ku hareeraysantahay oo aan diinta si fiican u ilaalin, ilaahay ayaa hanuunka bixiya, iimaanka macaankiisa iyo xaqiiqdiisa waxaa la gaaraa, markii cariiriga iyo imtixaanka yimaado, ilaahay ha idin xifdiyo..

Jawaabta Su'aashaada oo laga yaabee iney dad badan haysato, hadaan u galo, Culimada badankood wey diidaan kaniisadda in lagu tukado hadii aan dan adagi kugu qaban, qaarna culimadu wey banaantahay ayey yiraahdeen, waxaana ka mid ah akhyaar waaweyn oo saxaabadii iyo taabiciintii ugu horreeyaan, oo ay ka mid yihiin Abu Musa Al Ashcari, Cumar Bin Cabdilcasiis iyo Xasan iyo Awzaaci Wuxuu yiri Imaam Ibnu Qudaama oo soo koobay kitaabkiisa weyn ee Muqniga la yiraahdo oo kutubta Fiqhiga kuwa ugu waaweyn ka mid ah: ( "ولا بأس بالصلاة في الكنيسة النظيفة، رخص فيها الحسن و عمر بن عبد العزيز والشعبي والأوزاعي وسعيد بن عبد العزيز وروي عن عمر وأبي موسى , وكره ابن عباس و مالك الكنائس من أجل الصور , ولنا أن النبي صلى الله عليه و سلم صلى في الكعبة وفيها صور ثم هي داخلة في قوله عليه السلام: "فأينما أدركتك الصلاة فصل فإنه مسجد". (المغني 1/759)
Macnaha Hadalka Sheekha waxa weeye: (Wax dhib ah ma leh kaniisad nadiif ah in lagu tukado waxaa ogolaaday Alxasan iyo cumar Bin Cabdilcasiis iyo Shacbi iyo Awzaaci iyo Siciid Bin Cabdilcasiis waxaa kaloo laga weriyey Cumar iyo Abu Muusa, waxaa nacay Ibnu Cabbaas iyo Maalik Kaniisadaha sababta sawirada ku yaal, Annagu (ogolaanshaha) waxaanu u daliishaney iney soo geleyso xadiiskii Nebiga Calayhi salaatu wasalaam "Meel kasta oo Salaad kuugu soo gasho ku tuko waa masjide"... ).

Anoon markaa hadalka iyo nusuusta ku dheeraanayn, waxaan ku leeyahay adeer ku tuko kaniisadda dhexdeeda, oo seexo, hadey dani kugu qabatay, hana u bixin masaska iyo dhaxanta, Allaha ku dhawro, wixii asnaam ama sawiro dhinecooda intaad ka durki karto ka durug, Ilaahay haku dhawro oo hakugu sugo iimaanka iyo diinta wanaagsan ee aad haysato..

Waxaan leeyahay sidoo kale meelaha airportiyada ku yaal ee diimaha loo dhigay waa lagu tukan karaa, sidey culimada yiraahdeen hadaadan masjid heli karin, wabillahi tawfiiq

0 comments

Readers Comments

Latest Posts

Sponsored By

Featured Video

Our Sponsors

Our Sponsors

Visit Nepal Info and Guide