Welcome Guest!
twitter facebook rss

,

Tarxiilka Sh. Tawfiiq Saa'iq!!

Sh. Tawfiiq Saa'iq
Tarxiilka Sh. Tawfiiq Saa'iq!!

Waxaa wararka maalmahan aad loo faafiyey ka mid ah in Sh. Tawfiiq Saa'iq, oo ahaa Imaam iyo Qaari' Eretria Asal ahaan kasoo jeeda, laakiin cimrigiisa inta ugu badan ku noolaa Magaalada Jeddah ee dalka Sucuudiga, halkaas oo uu wax ku bartay kana ahaa Imaam Masjidka Allaami ee Jeddah ku yaal halkaas oo uu khalqi badan isugu imaan jirey iyagoo soo raacaya codka macaan ee sheekha..

Sheekha Ahlu Qur'aanka ah, Daacigna ahaa, waa arrin dad badan ka xumaaday laakiin iney khayr u tahay ayaa la arkaa..Sidii Sh. Nabiil Cawadi oo Kuwait laga Musaafuriyey, dawladda Qadarna ay dib u dejisey..oo si wanaagsan u soo dhoweysey..

Sh. Tawfiiq iskuulka iyo jaamacadaba wuxuu ku dhigtay sucuudiga, wuxuu ka mid ahaa ardaydii Sheekhii weynaa Allaha u Naxariistee Sh. Muxammad Al Cutheymiin, muddo 30 sano ku dhow ayuu sucuudi joogey, sidayda Anigu waxaan degganahay sucuudiga 37 sano, Alxamdulilah, laakiin waxaa ayaan darra ah, kuwa aan waxar jaban goyn, iney sheekha joornaalada ku yiraahdaan ( Ajnebiga Na dhibay waa fiicantahay in wadanka laga saaro) Subxaanallaah, hadii sharciga la eegana isagaa wadanka ka xiga kuwaas oo uga dhow, waayo beytka Ilaahay waxaa ugu xaq leh oo ugu dhow qofba qofkuu ka Alla cabsi badan yahay, laakiin waa adduun aakhire bal aan dhawrno natiijooyinka inshallaah..

0 comments

Readers Comments

Latest Posts

Sponsored By

Featured Video

Our Sponsors

Our Sponsors

Visit Nepal Info and Guide