Welcome Guest!
twitter facebook rss

,

Qiso Booskii Aabaha oo Bannaan! Sheekh Maxamed idiris

Sheekh Maxamed idiris
Booskii Aabaha oo Bannaan!

Acs Sheekh aad ayaan ugu xirnahay pageka Ilaahay khayr hakaa siiyo dacwada, waxaan ahay gabar Soomaaliyeed oo wadankeenii ku nool, aniga iyo walaalahay oo tira badan dhamaan subixii waxaan u dareeraa wax barasho, hooyo ayaa naga masuula, iyada ayaa masruufkeenna iyo wax barashadeenna soo saarta, waxaan mar walba ka xanuunsadaa hooyo dhibka ay u marto si ay masruufkeenna iyo baahideenna u daboosho, aniga ayey jaamacadda iga bixisey iyadoo culays ku ah, waxaan arkaa mar walba sida ay ugu dhibtooto dukaan yar oo ay masruufkeenna kasoo shaqayso, cid caawisana aaney lahayn, waxaan jeclaystaa inaan dhaqsi shaqa u helo si aan hooyo macaan culayska qayb uga qaado, iyadoo aniga jaamacadayda la diiqsan ayaa haddana wiil kale dugsigii soo dhameeyey, aabe wuxuu jiraa dibadda, laakiin lix bilood markuu maqan yahay ayuu mar mar wax aan waxba ahayn soo tuuraa, ka dibna dib uma aragno, taleefankana waa bedeshaa, oo hadalkiis ma maqalno, sheekh adiga iyo asxaabtaba iigu soo duceeya hooyo in ilaahay noo xifdiyo, anigana ilaahay ii fududeeyo shaqo aan ku caawiyo reerka, aabahay waan jeclahay ilaahay ha ku soo hanuunsho khayrka, waxbarashada miyaan ka tegi karaa si aan u shaqeeyo?

-----------------------------------------------------------------------------------

wcs Adeer Ilaahay sida aad jeceshahay adduun iyo aakhiraba ha ku gaarsiiyo, Adduunyada dad badan ayaan waajibaadkii saarnaa kasoo bixin, ama wax laga reebay ku xad gudba, aakhirana xisaab dhamaystiran oo deg dega ayaa jirta.. Dad badan ayaa idin la mid ah oo booskii aabuhu bannaanyahay in yar ama in weyn, qoysas badan ayaa hooyooyin la daalaa dhacayaan, ilaahay ajarkooda ha u taam yeelo, jannana ha ugu abaal gudo, aabayaasha kaalintooda gabana allaha soo hanuuniyo, waxaan kugu la talin adeer inaad sabirtaan, Ilaahayna tala saarataan, adduunyadu sidan ma ahaaneyso oo waa harka labadiisa gelin, maalinna waa gaajo, maalinna waa dhereg, maalin waa dhib maalinna waa raaxo, maalin waa xanuun maalinna waa caafimaad, ilaahay hanaga dhigo kuwa maalinka gaajadana sabra, maalinka dheregtana shukriya, labaduna waa imtixaan dadka lagu kala saarayo, tacliintana inaad dhamaysato ku dadaal, dhib kasta oo jira, hadaan duruuftu aad u kallifin, waayo markaad jaamacadda dhamayso ayey u dhowdahay inaad si fiican kaalintaada u qaadan kartid, ilaahay ummuurta ha idiin fududeeyo adiga iyo inta Muslinkaaba, aakhirana jannaatul firdaws Allaha noogu deeqo..

0 comments

Readers Comments

Latest Posts

Sponsored By

Featured Video

Our Sponsors

Our Sponsors

Visit Nepal Info and Guide