Welcome Guest!
twitter facebook rss

,

Qiso Dhaqanka Kala Duwan See ka Yeelaa! Sheekh Maxamed idiris

Sheekh Maxamed idiris
Dhaqanka Kala Duwan See ka Yeelaa!
____________________________________

Waraqaddani wexey mar kale na xusuusineysaa guurka Soomaalida ka baxsan, gabar aan Soomaali ahayn, ama Wiil aan Soomaali ahayn lala wadaago, horayna dhawr goor ayaan ka hadalnay, Ra'yigaygana guud ahaan horay ayaan u bayaaniyey balse aan tanna akhrino:
------------------------------------------------------------

Asc wr Salaantaa qiimaha badan kadib shiikheena somaali aad ayan kugu mahad celinayaa dadaalkaagana allah SWT hakaa abaal mariyo firdowsana haku dhaxal siiyo d'a yarta iyo dhalinyarada waa mustaqbalka barri shiikha isu taagay dhax galkooda in badana hantay qalbigooda si kaftan iyo waano iyo xigmad intaba leh gaar ahan magaca dhalinyarada anigoo ku hadlayo jazzaa kal firdowz birax matihi.

Intas ka gadaal shiikhunaa waxan ahay wil ku nool meeshan ayada ah oo aan horayba is kaga hadal qaadnay waxaan gursaday gabar wadankan u dhalatay diintana ku cusbeed, is afgaran waa dhankasta leh ayaana dhacay siiba dhanka dhaqanka.

Waxana dhacday inaan kala tagno cunug, ayeyna ii dhashay gabadhiina diinti weey kasii fogaanee, marar badana weey iga dalabtay in aan soo celiyo, wax ceeb ahna kuma sheegi karo aan ka aheen in aan dhaqan ahaan is fahmi weynay, isfahamkaana ah aas aaska nolosha, haddii aan soo celshana isbedel ma filayo illeen qof kastaba waa wuxuu kusoo bar baaray.

Shiikh warka murtidiisa gabadhu diin mahayso, gabadhii yareedna ayadaa gacan ku heeyso, in eey isiisana diiday, siismadana waxey ku xirtay shuruud ah soo celis, in wanag lagu dhaqmo ama wanag lagu kala tago waaye, soo celistedana uma arko in uu wanaag qoys ka dhalan karo, marka taladaada cilmiyeysan igu caawi wajaza ka llah kheyral jaza wa afsaxa llahu lisaanak wa aktharalaahu fiinaa amthaalak.

=======================================

Walaalkaas waxaan iri:

Wcs ducadaada allaha noo aqbalo, Walaal marar badan ayaan ka hadalnay sida guurku ku hagaagi karo, oo ay ka mid tahay, is fahamka labada is qaba iyo dhaqanka isu dhow, taasoo marar badan aan laga helin guurka dadka kala dhaqanka duwan, in kasta oo ay jiraan qaar badan oo ku guulaystey iney si fiicn isu fahmaan, haddana mar walba wey jiraan dhaqan iyo luqad kala duwan oo u baahan sabir iyo dulqaad badan labada dhinacba..

Waxaan filayaa saaxiib inaad Mashruuca guurkaaga aad ku gashay adigoo dareensan, in yar ba ha ahaatee, in dhaqanka lagu kala duwan yahay oo sabir loo baahanyahay si doonta guurku aaney badweynta nolosha ugu degin.. Hadii aadan markii hore taa dareensanayn oo hawada guurku kaa tan badisay, wexey ila tahay markaad gashay inaad wax badan ogaatey..ayna cadaalad tahay inaad qaadato masuuliyadda ka dhalata go'aankaaga.. Waayo guurku ma aha keliya ayaamo lagu raaxaysto keliya waxa ka dhalanaya iyo saamayntiisana aan la eegin..

Laba arrin ayaa meeshan kuu taal oo adigu aad gacmahaaga la gashay inaad masuuliyadeeda u dhabar adaygtana ay cadaaladda u dhowdahay. 1) Midda koowaad waa gabadhan Islaamka ku cusub oo laga yaabo kala taggiinu inuu fitna ku noqdo ay diintii dib uga baxdo.. 2) Midda labaad waa gabadha meesha ka dhalatay oo ay waajib kugu tahay inaad ilaaliso iney islaam ku barbaarto..

Labadaas arrimood oo muhiimka ah, waxaa dhinac yaal inaad gabdhii dhanka dhaqanka isku fahmi weyseen sidaad sheegtay, laakiin haddana waxaad sheegtay inaadan ceeb kale gabadha ku ogayn, taasina waa arrin fiican, oo keeneysa inaad wax badan ka fiirsato go'aanka kala tagga..Gabadha iyo gabadheedana waxaaba ku jira ajar badan hadaad niyadda hagaajiso..

Marka la isku soo hooriyo Saaxiib nolosha mar walba go'aanka fudud lagama qaadan karo, wax kastoo ka dhalanaya, waxaana loo baahan yahay masuuliyadda go'aamadeenna ineynaan ka cararin ee qaadno, si wanaagsanna waajibaadkeenna uga soo baxno intii awooda, culaysna arrintaasu ka marnaan meyso, laakiin wixii ilaahay dartiis loo sameeyo cawaaqib fiican ayaa ka dhalata inshallaahu, adiguna laba qof oo diintoodu in badan kugu xirantahay ayaa ku hor yaal, markaa waxaa ii muuqanaya, ilaahay baa tawfiiqda hayee, inaad gabadhaas aadan suuqa ku sii deyn ee aad soo celiso, iskuna daydo inaad dhaqamada la fal gasho, wax ka bedesho, dhaqanka Islaamka si tartiib ah ugu beerto, gabdhaha soomaalida ku xirto, masaajidka iyo bulshada soo dhex geliso, noloshaada si fiican u wajahdo ee aadan ka cararin, wadooyin kaloo badanna wey kuu bannaan yihiin markaad awoodeeda hesho oo aad noloshaada u kaalmaysan karto, Ilaahay haku waafajiyo khayrka iyo wadada toosan wabillaahi tawfiiq.

0 comments

Readers Comments

Latest Posts

Sponsored By

Featured Video

Our Sponsors

Our Sponsors

Visit Nepal Info and Guide