Welcome Guest!
twitter facebook rss

,

Maqaal diini Saacaddu Dib Uma Socoto!

Sheekh Maxamed idiris iyo Caruur
Saacaddu Dib Uma Socoto!

Bishaarooyinka na tusinaya in Mustaqbalka Islaamku leeyahay wey badan yihiin, waxaana ugu horreeya Ballanta Qur'aanka Kariimka in Ilaahay Diintan Islaamka ka sara marinayo diin kasta Adduunka si kastoo Gaal u noco..
waagii hore waxaa aad u badnaan jirey meelaha cajalada heesaha iyo muusikada lagu gado bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda, Haddana waxaa badan oo xitaa dhanka ganacsiga ku faa'iido batay cajaladaha diiniga kuwa gada..
waagii hore waxaa aad u bad naan jirey xafladaha heesaha iyo muusikada, haddana waxaa dad badan Mu'tamaraadka diinigaa ee Ummadda ku hanuunto, bal fiiri Yurub iyo Maraykan iyo Caalamka..

Waagii hore Soomaalidu ma aqoon iney Masaajid iyo Maraakis iyo madaaris wax isugu darsato, haddana Yurub iyo Maraykan iyo africa wexey ka taageen boqolaal Masjid iyo Maraakis iyo Madaaris iyo Macaahid ay ku bixiyeen Malaayiin doolar, taasoo ku tusineysa sida Islaamka iyo fahamkiisu usoo shaac baxayo..

Waayadii hore todobaatameeyadii iyo sideetameeyadii horraankeedi waxaa Bulshada Soomaaliyeed ku badnaan jirey Fikradaha Shuuciyadda, Ishtiraakiyadda, Cilmaaniyadda, Waxaana lala yaabi jirey qofka yiraahda shareecadda ayaa la isku xukumaa haddana waxaa caadi noqotay mid kasta oo is sharaxaya inuu shareecadda hadalkiisa ku darsado xitaa hadaanu waxba ka garanayn waayo Ummadda inaan wax kale ka soconayn ayuu arkay!

Todobaatameeyadii waxaa lala yaabi jirey gabar xijaaban oo jilbaab wadata in la arko, maantana ilaahay fadligiis, mida aan xijaaban ee jilbaab wadan ayaan bulshada dhex mari karin, wadanka gudihiisa iskaba daaye, dibadaha, mid mid weli fikradihii hore ku nool oo trainku ka tegey allaha soo hanuunsho, oo aan weli ogaan in gabdhihii Soomaaliyeed waa hore ka tageen oo diin barteen!

Soo dhoweyntii Sh. Umal Kililka, Somali Land, Puntland, Ummaddu ku soo dhoweysey, ma ahayn shakhsi keliya, ee wexey ahayd manhajka iyo diinta uu xambaarsanyahay oo Ummaddu dooneyso, Wexeyna digniin iyo baraarujin u tahay, Cid kasta oo isku dayda waxaan Islaam ahayn iney Ummaddaan isku daydo iney ku midayso, ama ku hogaamiso, iney ogaato iney cidla jafayso, oo Saacaddu aaney dib u noqonayn!

Mana dheera Inshallaahu Goorta ay Ummaddu ku midoobi lahayd Diinteeda, Kitaabka Ilaahay iyo Sunnada Suubaneheeda Salalahu Calayhi Wasalam, Hogaamiyayaal ku hogaamiya oo Daacad ahina kasoo bixi lahaayeen Ilaahay idankiis,
(ويقولون متى هو، قل عسى أن يكون قريبا).

0 comments

Readers Comments

Latest Posts

Sponsored By

Featured Video

Our Sponsors

Our Sponsors

Visit Nepal Info and Guide