Welcome Guest!
twitter facebook rss

,

Maqaal Diini Dhalinteed Biya Maaha Harraadna Kaama Bi'iyo Talo Sheekh Maxamed idiris

Filmaanta
DHALANTEED BIYA MAAHA! HARRAADNA KAAMA BI'IYO!

Dhalinyara badan oo guur aan haysan ayey tan oo kale ku dhacdaa, iyagoo oonka haya u malaynaya iney ku damin karaan, laakiin, oon iyo dembi ayaa laga sii qaadaa, daawashada filimaanta xun..

Su'aasha dhalinyartu waa sidan, jawaabtana gadaal ayaan ka raacinayaa, anoo og iney dad badan haysato, halku dhegna uga dhigay inaaney "Dhalanteed Biya Maaha":

ASC Sheikh Maxamed Idiris, Waan Kaaga Mahad celinayaa Hawsha Wanaagsan ee Aad Ummada u hayso. Xaqiiqduna Waxay tahay Qofkii Diinta Illahay Fidiya Waa Liibaanayaa, Annaga Runtii Waxaad Inoo tahay Hogga Tusaalle Wacan. Intaa kadib Sheekhoow, Hal arin oo Dhib Badan Igu haysa ayaan Jeclaan lahaa Inaad iga Talla siiso, iigana Duceyso Hadaad Awoodo. Arintana waxay tahay waxaan ahay Wiil Dhalinyaraa oo Meel qurbaa jooga, Xaasna aan Lahayn. Maadama Aanan xaasna lahayn, Baaluqna aan ahay Sheekhoow Dambibaan ku dhacaa markasta. Dambigaasoo ah In si Shahwaadkeyga aan u yareeyo aan ku dhaco marwalba daawashadda Filimaanta Xun Xun ee wanaagsaneyn. Markii Hore si tartiib tartiib ah ayeey iigu Bilaabatay arintaas Foosha xun Laakiin Waxaan dareemay inaan (Addicted) aan ku Noqday. Wlhi Marwalbana waxaan ku hamiyaa inaan iska daayo laakiin Waan kari waayaa Laasimidda aan Laasimay awgeed. Waxaan aad u dareemayaa, Marwalboo aan Xumaantaa ku dhaco in IImaankeygii Hoos u dhac uu ku Immaanayo. Marka Sheekhoow Kheyrna ALLAHA ku waafajiyee, Talana Isii, Iigana Ducee in RABBI iga koriyo arintaa Foosha Xun. Walaalaha kalana waad u bandhigi karaysaa si Ducadda ay iigu soo kabaan. Mahadsanid.
=======================
Wcsww Adeer waad ku mahadsantahay su'aasha, dhalanteedka ama dhaan dabagaaluhu wuxuu kuu muuqdaa markaad dhul bannaan oo kulul marayso, waxaadna moodaa biya meel fog balliga ka buuxa, waase dhalanteed aan waxba ka jirin..

Shahwadu waa dab oo kale, waana shey ilaahay ku abuuray rag iyo dumar, si jiritaanka bani aadamka adduunkan korkiisa ugu tarmo, wuxuu Eebe u yeelay wadda lagu guto shahwadaas oo xalaal ah, hadii laga leexdo wadada xalaasha ah, waxaa laga dhaxlaa, cudur, faqri, dembi, cadaab, burbur, is nicid, kala tag, qallal, caro ilaah, fadeexo qoys, ceeb iyo xumaan, iyo xumaan kaloo is dul saaran, tan guurka xalaashaana waa mid ilaahay banneeyey, waa caafimaad, dhawrsanaan laba qof, durriyad, jacayl, xiriir wanaagsan, qaraabanimo, riziq waasica, barako, iyo ajar fara badan...

Midda hore ee xaaraanta si kastoo loo qurxiyo waa foolxumo iyo khasaaro.. Midda dambe ee xalaashaa, si kastoo loo qaldamo ama u xumaato, waa barako iyo faaiido.. Soomaalidu marka ay ku maah maahdo (Wax Lagu Qaldamo Guur Ayaa Ugu Fiican) maaha macnuhu in guur jaahwareersan la dhiiri gelinayo ee waa, waaqica, xitaa hadii lagu tala xumaado guurka, wanaag ayaa laga yaabaa inuu ka dhasho.. Guur habeenna jirey ayaa laga yaaba Durriyad Islaamku ku khayro, muslinkana wax tara iney ka dhashaan, Oday meel ku tala xumaaday ayaa laga yaabaa, wax fiican inuu ilaahay ku sababo..

Intaa haddaan kasoo noqdo, Adeer, Guurku marna waa Waajib oo lagama tegi karo, marna waa sunno, marna waa shey bannaan.. Qofka aad ugu baahan, oo shahwadu gubeyso, waa waajib inuu guursado, sida ugu dhaqsi badan si uu dembi iyo xaaraan uga badbaado... Guurka waxaa ku bannaan muslimad, ama ahlu kitaab dhawrsan..

Dhalinyar sideedaba waa iney guurka u deg degaan.. Xadiiskii Nebiga Calayhi salaatu wasalaam iyo dardaarankiisi ayaa sidaas ahaa.. Hadii uu kari waayo, waa khasab inuu soomo, waa xalka labaad oo shahwada lagu jebiyo, waa in la dhufaano, oo soonka iyo gaajada lagu jebiyo..

Laakiin guurna ma rabo masuuliyadiisa, waaana dhergayaa, Soomina maayo, waxaanan rabaa inaan dhawrsanaado, arrin laysla helayo maaha..

Waxaan kugula talinayaa inaad guursato sida kuugu fudud, hadaad awoodi weyso, soonka xiriiri, masjidka iyo hawlaha dacwadana u bado, ka fogow intii tabara meelaha fitnada iyo dumarka daawashadooda, indhaha intii tabara laabo, keligaa ha degin ama keligaa meel ha seexanin, ma jeclid in xumaantaa lagugu arko, ilaahayna ka xishood si ka daran dadka sidaad uga xishooto..

Ku dadaal qur'aanka iyo dikriga ilaahay, waqtigaaga ku buuxi camal wanaagsan, wax qor, wax akhri, shaqay, safar, booqo asxaab fiican, isku dhaafi waqtiga camal wanaagsan.. Saaxiibo fiican xulo..

Dhegeyso muxaadaroyinka geerida, qabriga, xisaabta, aakhiro iyo waxa jira, qalbiga cabsi geli, wacdi badan dhegeyso, dhegaha gasho, kuseexo oo kusoo kac, in sha allaahu daawo wanaagsana yey kuu noqon..

Allaha farjigaaga xifdiyo, indhahaaga dhawro, qalbigaaga iimaanka ku sugo, qur'aanka iyo dikriga ku jeclaysiiyo, iyagaa wax kasta ka macaan, markaad dhadhamiso, xumaan hadey kaa dhacdo, markiiba istaag, oo weysa qaado, laba rakco tuko, ilaahay bari, u tawbad keen, hana ka daalin garaacidda albaabka ilaahay, waa lagaa furi in sha allaah.. Wabillaahi tawfiiq

0 comments

Readers Comments

Latest Posts

Sponsored By

Featured Video

Our Sponsors

Our Sponsors

Visit Nepal Info and Guide