Welcome Guest!
twitter facebook rss

,

Talo Dareen Ma Leh Sheekh Maxamed idiris

telephone_call.
Dareen Ma Leh…
--------------------------
Waxaan ahay gabar Soomaaliyeed, waxaan leeyahay guri iyo caruur, si caadiya oo Soomaalidu u badan tahay ayaan u noolnahay, Mushkiladda i haysata ee talada aan ka rabo sheekhow hadaan xoogaa kaaga sheego, wexey ka bilaabaneysaa ninkaygu inuu guur labaad damcay!! xoogaa yar hadii la joogeyna wuu fuliyey damaciisi oo wuu guursadey..Yeelkadeedee Anigu hadda taas uma diidin, oo waa wax Ilaahay u banneeyey, Laakiin dhibku wuxuu ka taaganyahay Sheekhow waa waxyaabaha uu ninkaygu samaynayo markuu guursadey ka dib..

Waxaa aad ii dhibay, oo dareenkayga aad u saameeyey, ninkaygu isagoo gurigayga fadhiya, oo ila jooga, ayuu la hadlayaa xaaskiisi kale, ama ay iyadu soo weceysaa, hortayda ayuu kula hadlayaa kelmado jacayl iyo xiiso muujinaya, iyo inuu u hiloobey..waxaa dhici karta saacad inuu sidaa ula hadlayo, anigana aan gubanayo, laakiin waxba ma iraahdo, mar kasta oo aan is iraahdo arrinkaa ka dhiidhi oo ka fal celi, haddana waan is qabtaa oo waxaan xusuustaa sabirka iyo caruurta iyo guriga, waxaan xusuustaa duruusta iyo khayrka aan mar walba dhegeysto, laakiin laabta ayaa i gubaneysa, waana ka murugaysnahay, arrinkaa uu caadaystey, maxaan sameeyaa sheekhow Ila Tali? Ma ka tagaa oo furriin ayaan dalbadaa? Mise Tala kale ayaad i siineysaa Jazakallaahu Khayran?

———————————————————————————————

Walaashaas Waxaan Leeyahay:

Walaal Ilaahay dhibka ku haysta hakaa qaado, ninkaagana hasoo hanuuniyo.. Ragga qaar ayaa jira bartay iney xaq u leeyihiin guur kale, Laakiin aan baran xaqqaas sidii ay u isticmaali lahaayeen si wanaagsan..

Ninkaagu arrinta uu samaynayo wey noqon kartaa inuu ka mid yahay dadka dareenku ku yaryahay, oo aan eegin waxa ay ku kacayaan, qawl iyo ficil, iney dhaawac weyn u geysanayaan dadka dad ugu dhow ama walaalohooda Muslimiinta ah, Taasoo ah mid aan diintu ogolayn, laakiin aan isagu cid xumay ama dhaawac is lahayne sidaasba aqoon darrada iyo qaafilnimadu ka tahay, hayeeshee, niyad wanaaggu meeshan oo kale uma shafaaca qaadayo, waayo niyadda wanaagsan keligeed kuma filna, waa inuu camal wanaagsan ku daraa.. Wexey kaloo noqon kartaa, arrin uu ula kacayo, ama isaga iyo gabadha soo weceysaa isla ogyihiin, in adiga lagaaga caraysiiyo, ka dibna aad gurigaaga ka tagto iyo caruurtaada..Sababa kalena wey dhici karaan.

Laakiinse waxa hadda na khuseeya waa waxa muuqda.. waana laba arrin.. Tan ninkaagu samaynayo iyo tan adiga kula gudboon..

Tan Ninkaagu ku kacayo waan tilmaamay oo waa dareen xumo, iyo xikmad la’aan arrinta uu sameeyey, waxaaba Ilaahay loogu mahadiyaa inuu ilaa hadda bed qabo, oo xagaaga aan wax ka gaarin, nacasnimadiisa ayuuna eersan lahaa..Ninka hawshiisoo kale gala waxaa looga baahan yahay inuu dawladaha kala maareeyo, oo wax kala asturo!

Tan Taladana waxaan dhihi lahaa, hadey tahay garasha la’aan iyo tahay ula kacba, inaad fal celiso oo gurigaaga ka tagto, kugulama talinayo, hadey sababta uu u sameeyey garasha la’aan tahay in la dareensiiyo, oo aad u sabirto arrimaha kale ee guurka aad ku qabto, ayaa fiican.. Haduu ula kac u samaynayana inaad ujeedadooda u fuliso ilama aha, ee gurigaaga ku fara adayg, oo yaan dhayal lagaaga dumin ama lagaa saarin, adigaa u xaq leh inaad ku sugnaato..imtixaanka hadii aad wax yar ku sabirtidna wax badan ayaa mustaqbalka is bedeli doona inshallaahu..

Laba gooreba ninkaaga inaad u caddaysid weeye waxa uu samaynayaa iney qalad tahay, dareenkaagana uu dhaawacayo.. Shareecada Islaamku wexey na fartay xawayaanka bahiimada ah in dareenkiisa la dhawro, oo nebigu calayhi salaatu wasalaam wuxuu amaray: neefka la qalayo inaan mindida hortiisa lagu soofayn!! Inaan Mindi saawira lagu kirkirin! iyadoo dareenka neefka la dhawrayo! xagee joogaa dareenka qof Muslima, oo adiga kuu dhow weliba oo aad gogol wadaag tihiin? waxaa loo baahan yahay qofka muslimkaa inuu lahaado dareen iyo feejignaan, si uu uga digtoonaado wixii walaalihiis iyo dadka gacalka ah dareenkooda dhaawici kara, wabillaahi tawfiiq..

0 comments

Readers Comments

Latest Posts

Sponsored By

Featured Video

Our Sponsors

Our Sponsors

Visit Nepal Info and Guide