Welcome Guest!
twitter facebook rss

,

Wafdi ka socota QM oo maanta booqday xero barakacayaal kana qeybgalay daawashada ciyaar ka dhacday Jowhar (Sawirro)

Welcome UN Jowhar Somalia
Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo booqasho ku tegey magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa kulamo kala gaar gaar ah kula yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Jowhar iyagoo soo booqday xerada barkacayaasha ee ku taal duleedka magaalada Jowhar.

Ujeedada booqashada wafdigan oo lagu sheegay in ay tahay u kuurgalida xaalada bani’aadan ee ka jirta gobolka Sh/dhexe      ayaa waxa ay kulamo gaar gaar ah kula yeesheen qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Jowhar. Saraakiisha ka         socotay QM ayaa waxa ay ka dhagaysteen warbixino ku saabsan baahida ka jirta degmada dadkii ay la kulmeen.

Booqada Saraakiisha UN Ee Jowhar 
Sidoo kale wafigan ayaa waxa ay booqdeen xerada barakacayaasha ee ku taal garoonka dayuuradaha ee degmada Mahaday. Booqashadan ayaa waxaa wafdiga ku weheliyay guddoomiyaha maamulka gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe Xuseen, gudoomiyaha degmada Mahaday Shariif Abuukar,taliyaha qeybta ciidamada Booliska gobolka Sh/dhexe Col Khaliif Cabdulle   iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdigan ka socday QM ayaa waxa ay la kulmeen odayaasha iyo waxgaradka dadka barakacayaasha ah ee ku nool agagaarka garoonka dayuuradaha halkaa oo ay degenaayeen tan iyo markii dhamaadkii sanadkii hore ay dagaalo beeleed uu ka dhacay dhinaca Bari ee magaalada Jowhar iyadoo aysan goobjoog ka ahayn maamulka gobolka Sh/dhexe.

Saraakiisha ka socotay QM ayaa ka dhagaystay warbixino dadkii ay la kulmeen iyadoo hore ay dadkan uu warbixino ugaga dhagaysatay ku xigeenka wakiilka QM ee dalka Soomaaliya Philiph Lazarani.

Dadka barakacayaasha ee ku jira xeryahaas ayaa waxaa haysta dhibaatooyin dhinaca nolosha ah gaar ahaan dhinaca cuntada,biyaha,hoyga iyo caafimaadka.

Balcad Stars Vs Elman Jowhar
Gelinkii dambe ee maanta ayaa ciyaar saaxibtinimo waxaa ay ku dhex martay garoonka kubbada cagta xaafada Horseed              ee magaalada Jowhar kooxaha Balcad Stars iyo FC Elman Jowhar. Ciyaartan ayaa waxaa daawashadeeda ka qeybgalay        wafdigii ka socday QM iyo guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe Xuseen.

Intii aysan bilaaban ciyaarta ayaa hadal kooban uu ka jeediyay guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe waxa uu sheegay in ciyaaraha saaxibtinimo ay kooxaha ka dhisan degmooyinka gobolka Sh/dhexe yeelanayaan ay cadeyn buuxda              u tahay ammaanka ka jira gobolka. Guddoomiye Guudlaawe ayaa ugu baaqay hay’adaha QM iyo beesha caalamka        inay shacabka gobolka oo gaaray ammaanka buuxda ay kala qeybgalaan sidii loo horumarin lahaa guud ahaan gobolka Sh/dhexe.

Ciyaarta saaxibtinimo ayaa ku soo dhamaatay barbaro 1-1 iyadoo goolka ay ku hormareen kooxda FC ELMAN Jowhar     waxaana  u dhaliyay Caamir Aweys halka qeybtii labaad uu goolka barbaraha u dhaliyay ciyaaryahan Wiish kooxda Balcad Stars.
Kooxda Balcad Stars

 Kooxda Elman Jowhar



0 comments

Readers Comments

Latest Posts

Sponsored By

Featured Video

Our Sponsors

Our Sponsors

Visit Nepal Info and Guide