All Taariikh,
Taariikh Magaalada Baydhabo
Posted by Abdulnasir Al MaqZuumi
Published on Sunday, October 26, 2014
Bartamaha Baydhabo |
Waxayna saldhig u noqotay mar Dowladdii Ku meelgaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Baarlamaanka.
sidoo kale waxay xarun u ahaan jirtay qabqablayaashii Dagaalka. BAYDHABO waxey kutaalaa meel aad istiraatiiji u ah, waana magaalo madaxda gobolka baay.
Magaaladaan waxaa ku nool dad isku dhaf ah una badan dadka magaalada taariikhda ku leh ee Rewing.Qabiilada baydhabo degan waxaa ka mid ah raxanwayn iyo Dirba, kuwaas oona sheegan cidahooda, laakiinse ee sheegtaan in ee yihiin reer baydhabo,
Waxaa ay dadka gobolkaas ku faanaan, dadka degan magaalada, sida eey u jecelyihiin magaalada iyo dadka degan.Reer baydhabo kuma dhisno qabyaalad, waa dad reer baydhabo la isku yiraahdo. Bay-dhabo.magaalada waxaa ka soo jeeda culumo caan ku ah dhanka diinta, waxeyna baydhabo eheet meelaha ugu quraan barashada badan.
baydhabo waa magaalo cajiib ah oo ilaaheey ku maneestay qurux dabiici ah. waana meelaha soomaaliya ugu qabow.baydhabo waxay leedahay ilo aad u biyo badan oo aadna caan u ah.Kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah (gebooda), (Bohol), (Galaanjo), (lama Mukiyo), waxayna leedahay ugu yaraan 5 Buundo, waana magaalo aad u dhismaysa.baydhabo waxaa ee isku xirtaa
magaalooyin aad u farabadan oo ay ka midtahay caasimada dalka ee muqdisho.Dhalinyarada baydhabo waa kuwo xooga saaro wax barashada.Badankooda waxeey dhigtaan jaamacadaha iyo kollejyada.Dhalinyarada baydhabo waa kuwo dadaalo, umana badna waxa dhalinyarada gobolada kale ee ku mashquulsanyihiin , sida balwada, iyo waxa ee dhalinyarada waqtiga iskaga dhumiyaan ama waxa ee u heestaan horumar.
Dhalinyaradaan waa kuwo tashada isna waansata, iskana ilaalisa dhalinyarada ciyaal suuqa noqota.Dhalinyardaan waa kuwo jecel dhaqanka soomaaliyeed.
baydhaboo qofkii tagaa tagee , waa meel aan marnaba la ilaabi karin.Waana meel aan loo dhameyn karin indhaha sida dooga cagaaran.Baydhabo waa meesha Soomaaliya marka loo sii fiiriyo waa meesha ugu fiican uguna barwaaqa sooran baydhabo hada ayaa lagu dheelay maahanee walaahi ayaan dhahay ee waxey ahaan jirtay meesha ugu wanaagsan somaaliya baydhabo janaay alaha ku daaysto
dhinaca kale waxaa joogijiray shiikha weyn ee ilahey barakeeyay shariif janaay maxaad kataqaanaa taarikhdii SIYAAD AADAN MOHAMED ku xasuuso maahmaahyadaan oo ah ( jalboodee janaay kadhigeey awsheegey aw janaay ) waxaana hada uu ku duuganyahay tagaal.
magaalada waxey caankutahay dadka dega waa dad reer guuraa iyo beeraley ah waa dad nabada jecel oo diinta aad ugu dhaqma. magalada baydhaba waa magaaalo aad istaraatiiji u ah marka loo fiiriyo gobollada dalka somaaliya,waa magaalo dadka degan xoolo dhaqato iyo beeraleey ah, waa magaalo leh tuulooyin fara badan,
baydhaba waa magaalo aad ka heli kartid , raashinka fareeshka ah ama cusub, sida Caanaha Geela, Lo'da iyo arigaba iyagoo dhaay ah, sida badarka, malabka iyo subaga xoolaha oo nadiif ah,malaga yabaa inay bay ku so laabato sideeda hore jawaabta waa haa
hadaba baydhaba waxaan ku tilmaamikarnaa magaalo barwaaqa sooran ah waxayna kakoobantahay afar xaafadood oo kala ah
1-Isha 2-Berdaale 3-Horseed 4- Holwadaag,
baydhaba waa magaaalo isku xirta caasimada dalka mogadisho iyo gobolada Bakool iyo Geddo, iyo degmooyinka Diinsoor, Baardheere, iyo degmooyin fara badan, magaalada baydhaba waxay leedahay sadex jid oo waaweeyn midka kayimaada caasimada somalia mogadisho, mid aada gobolka Bakool iyo Gogolka Geddo, iyo midkale oo ado Diinsoor Baardheere iyo Kismaayo waa magaalo aad u weyn waana magaalo dadka deggan ay ku dheertahy somalinimada
0 comments
Readers Comments