All Feature Taariikh,
Taariikh Magaalada Muqdisho
Posted by Abdulnasir Al MaqZuumi
Published on Sunday, October 26, 2014
Magaalada Muqdisho Xamar |
Muqdisho waa caasimada Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxa ayna ku taalaa galbeedka Badweynta Hindiya, waa magaalo qurux badan oo indhuhu soo jiitaan, oo aay badweynta Hindiya kaga wareegsan tahay sadax jiho.
Waxaa magaalada Muqdisho dhidibada loo aasay waqti aad u fog oo aay taariikhyahanada isku qilaafeen in magaaladani la aas'aasay qarnigii 2aad ama kii 3aad ee taariikhda miilaadiga.
Muqdisho waxey ahaan jirtay xarun ganacsi iyo marin kala qeybiya Hindiya iyo Yurub (inta aan la qodin Kanaalka Suwees) iyo jaziirada carabta iyo xeebta Afrikada bari Magaalada Muqdisho waxey ka koobnaan jirtay 6 xaafadood ama tuulo oo aay deganaayeen qabaail, xaafad kasto waxaa xukumi jiray Sheekh, xaafadaha waxey lahaayeen golaha odayaasha sida qaabka federaalka ah oo kulmiya dhamaan xaafadahaas loogana tashan jiray arimaha magaalada Qarnigii 4aad ee miilaadiga magaalada Muqdisho isku badashay nidaam ama maamul u eg saldanad.
Muqadhisu allaha ha caweno
0 comments
Readers Comments